RASMI: Real Madrid oo durba la soo wareegtay laacibkii ugu horreeyay kaddib markii ay soo ceshteen Zidane….(Waa kuma??)

(Spain) 14 Maarso 2019. Real Madrid oo dhawaan uun soo ceshatay tababaraheeda Zidane kaddib markii ay iska ceyriyeen Solari ayaa durba soo xero galisay laacibkii ugu horreeyay.

Los Blancos ayaa la soo wareegtay daafaca dhexe ee FC Porto Eder Militao.

Daafaca reer Brazil ayaa noqon doona laacib si rasmi ah oo kaga tirsan Real Madrid ka hor inta aysan dhammaan bishan kaddib markii ay heshiis wada gaareen labada kooxood.

Eder Militao

Laacibka ayaa horeyba heshiis shaqsi ahaaneed ula gaaray kooxda reer Spain, waxa kaliya ee harsan waa in lagu heshiiyo lacagaha la siin lahaa kooxdiisii hore ee Sao Paulo.

Real Madrid ayaa lagu wadaa in usbuuca soo socda ay ku dhawaaqdo saxiixeeda cusub ee Militao iyadoo kooxda dooneysa inay iska hagaajiso dhanka daafaca oo ay xagaagan ka qabtay dhibaato dhaawacyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close