LIX ciyaaryahan oo halis ugu jirta inay ka tagaan kooxda Real Madrid kadib imaatinka Zidane

(Madrid) 14 Marso 2019. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa warbixin uu dabaacay wuxuu shaaca kaga qaaday magacyada LIX ciyaaryahan ee halis ugu jirta inay ka dhaqaaqaan kooxda Real Madrid kadib imaatinka macalinka reer France ee Zinedine Zidane.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday isbuucan in Zinedine Zidane uu dib ugu soo laabtay shaqada tababarka ee kooxda Los Blancos, si uu u noqdo badalka Santiago Solari oo shaqada laga ceyriyay.

Waxaa xaqiiqo ah in Real Madrid ay si xoogan u gali doonto suuqa kala iibsiga soo aadan ee xagaaga, si kooxda loo xoojiyo.

Waxaa sidoo kale sax ah in kooxda Real Madrid ay sameyn doonto saxiixyo si ay u keensato ciyaartoy cusub, si sare loogu qaado tayada kooxda.

Laakiin taasi badalkeeda waxaa la filayaa in safka Real Madrid ay ka dhaqaaqaan ciyaartoy la tilmaamay in macalinka reer Frane ee Zidane uusan ku qanacsaneyn.

Yeelkadeed, LIXDA ciyaaryahan ee la filayo inay ka dhaqaaqaan garoonka  Santiago Bernabéu ayaa kala ah Gareth Bale, Dani Ceballos, Marcos Llorente, Mariano, James Rodríguez iyo Thibaut Courtois.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close