HORDHACA: Kulanka xiisaha badan ee galabta dhex mari doono kooxaha Horseed Vs Dekedda

(Soomaaliya) 14 Marso 2019. Kooxda Kubadda Cagta Horseed ayaa galabta kulan xiiso badan la dheeli doonta Naadiga difaacaneysa Horyaalka Soomaali Premier League ee Dekedda Fc , kulan ciyaareed qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u adag oo ka dhaxeeya kooxaha Horseed iyo Dekedda kuwaaso uu ku hardamaya hogaanka horyaalka, kaliya waxaa u dhaxeysa 2-dhibcood oo qura, Dekedda waxey leedhahay 13-dhibcood halka Horseed ay leedhahay 11-dhibcood.

Labadan kooxod ayaa galabta waxey  dheelayan  kulamadoodii 6-aad ee horyaalka fasal ciyaareedkan.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Wiilasha Difaacanaya Horyaalka ee Dekedda kulankan waxaa dhaawac ugu maqnaan doona  ciyaaryahanka lagu magacaabo Ereg Mata kaas oo dhaawac soo gaaray tababarkii ugu dambeyay ay kooxdan iskugu diyaarineysay kulankan, balse nasiib daro xidigan ayaa dhaawac ku seegaya ciyaartan.

Sido kale Dekedda waxey dib u heleysa xidiga la yiraahdo Zakariye Towfiiq oo kulamadii ugu dambeyay kooxda Dekedda ugu maqnaa saddex kaar oo jaala ah balse kulan galabta diyaar ayuu u yahay inuu u safto kooxdiisa.

Waxaa Sido kale Dekedda dib ugu soo laabanaya ciyaaryahankeeda  reer Kenya Reymond Mongi oo dhaawac ugu maqna kooxdiisa kulamadii ugu dambeyay ay dheesho.

Naadiga Horseed kulan ciyaareedkan waxaa xanuun kasoo bax ah ugu maqnaanaya  ciyaaryahanka lagu magacaabo Farxaan Duqow kaaso oo kamid ah xidigaha ugu wanaagsan kooxda cawo iyo maalin ee Horseed.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Horseed Fc Vs Dekedda Fc

Kulanka: 26-aad ee laga dheelayo Horyaalka

Saacada: 3:30

Qiimaha Kulanka: Lacag La’aan

Jawiga Garoonka: 31° /26°C

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Saddexdii dheel ee ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay naadiga Horseed halka labada kulan kale ay bar baro galeyn labada kooxod, waana ciyaar aad u adag marka loo eego kulamadii ugu dambeyay ay is wajahan Horyaalka.

Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey 1-0 ugu soo adkaatay naadiga jaalayasha ee Elman kulan ciyaareed dhacay 7-dii bishan aan ku guda jirno.

Naadiga Cawo Iyo Maalin ee Horseed ciyaartii ugu dambeysay waxey 2-0 ku soo garaacday kooxda Midnimo, ciyaar dhacday 8-dii bsihan.

Dekedda waxaa galabta ka hor imaan doona ciyaaryahankeeda hore Cabdulaahi Cali Bale kaaso oo waqti fiican la soo qaatay kooxda Dekedda balse galabta ma ahan ciyaaryahan qeyb ka ah Dekedda wuxuu ka tirsan yahay Naadiga Horseed, waana kulankiise ugu horeyay oo ka hor imaanayo kooxdiise hore ee Dekedda.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

26/02/2018    Horseed S.C 0 : 0     Dekedda SC

21/04/2018    Dekedda SC 2 : 2     Horseed S.C

21/02/2017    Dekedda SC 1 : 2     Horseed S.C

W/D. Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close