Zinedine Zidane oo Tababarkii ugu horreeyey ku hoggaamiyey Real Madrid tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxda… + SAWIRRO

(Madrid) 13 Maarso 2019. Macallin Zinedine Zidane ayaa maanta kooxda kubadda cagta Real Madrid ku hoggaamiyey tababarka markii ugu horreysay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Naadiga.

Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kubadda cagta Real Madrid dhowr bilood uun markii uu ka tagay xilka tababarennimo ee Naadigaasi.

Ciyaaryahankii hore khadka dhexe ee xulka qaranka France, kaasoo xilka tababarennimo ee kooxda Real Madrid isaga tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa dib ugu soo laabtay Isniintii garoonka Bernabeu.

Zidane ayaa xilka macallinnimo ee kooxda Real Madrid waxa uu ka bedelay Tababare Santiago Solari oo kooxda laga cayriyey.

44-sano jirkaan ayaa haatan dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa Real Madrid maanta waxaana uu hoggaamiyey tababarka naadiga ee halkaan hoose ka daawo muuqaalka.

Guji halkaan si aad u daawato muuqaalka Tababarkii ugu horreeyey Real Madrid ee Zidane

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close