HORDHAC: Bayeren Munich VS Liverpool? xidigaha labada dhinac ka maqan , safafka macquulka ,xaqiiqooyinka ciyaarta iyo xilga la daawan doono kulanka .

 (Europe) 13 Maarso 2019. Kooxda Bayeren Munich ayaa caawa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Liverpool kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League .

Kulan ciyareedkii hore oo ka dhacay garoonka kooxda Liverpool ayaa ku soo dhamaday bar baro 0-0 ah  wallow hadii Liverpool ay gool ku dhaliso garoonka Allianz Arena ay u tahay mid fa’aido ah madaama ay Bayer wadan gool bananka ah .

Wararka labada koox ka hor kulanka :

Liverpool khadkeeda dhexe ee  Naby Keita ayaa seegi doona kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League oo ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Bayren.

Da’yarka dafaca midi ee  Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo bilaaban doona kulakan kadib markii la saaray qeebtii dambe ciyaartii ay  4-2  ay uga adkaadeen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League .

James Milner ayaa dhankiisa ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaaray muruqa waxana macquul ah in loo soo xusho khadka dhexe .

Alex Oxlade-Chamberlain oo mudo dheer ka maqnaa kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay kooxda balse waxa uu qaadanaya taba bar isaga u gaar ah madaama uusan taam ahaanshiyo buuxa uusan heysan .

Dhica kale kooxda garoonkeeda lagu ciyaaryo ee  Bayern Munich waxaa kulankan ganaax kaga maqan Joshua Kimmich iyo Thomas Muller oo kulankii hore xitaa seegay  , lkn James Rodriguez ayaa qarka u saran in weerarka  dhexda laga ciyaarsiiyo .

Defender David Alaba and winger Kingsley Coman have been ruled fit after overcoming injuries.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Bayeren Munich VS Liverpool ( Champions League )

Goobta : Allianz Arena

Goorta :11:00 oo habeenimo

Garsoorka: Daniele Orsato (Italy)

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :

68% boqolkiiba kooxaha bareejo 0-0 ku soo gala meel aan garoonkooda aheyn kulan ka tirsan tartanka Champions League heerkiisa bug baxa misane lugta labaad lagu ciyaarayo garoonkooda  kooxaahaas waxa ay u gudbayeen wareega xiga  21-ka mida 31-dii dhacdo ee la soo dhaafay tartanka Champions League .

Bayern Munich ayaa badisay kalaiya hal kulan sided kulan oo ay wajahday kooxda Liverpool tartamada European , Bayer shan ka mida kulamdaas bareejo ayey galeen halka labo kulana ay qasareen , kulanka qura oo ay guusha ka gaareen kooxda Reds ayaa ahaa ciyaar dhacday November 1971 .

Munich ayaa ku guul dareesatay kaliya hal kulan in ay dhalin weydo gool 26-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay ku ciyaarto garoonkeeda tartanka Champions League, kulankaas ayaana ahaa kulan ay wajaheen kooxda  Sevilla xili ciyaareedkii hore wareega  quarter-finals  kulankaas ayaana ku dhamaaday (0-0).

Liverpool ayaa qasaartay afartii kulan ee la soo dhaafay oo ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda tartanka Champions Leageu , waxaana kulmadaas sedexda ah laga dhaliyey 9-gool halka  dhankooda ay la yimaadeen sedex gool oo qura , balse marna ma dhincin in Reds laga adkaado shan kulan oo xiriir ah tartamada Yurub.

Liverpool’ kaliya waxa ay ka heysataa hal gool sedex kulan oo banaanka ay ku soo ciyaartay tartanka Champions League xili ciyaareedka , goolkaas oo rigoore ahaa waxaa u dhalieyey  James Milner waxa uuna ka dhaliyey kooxda Paris St-Germain.

Eeg safafka macquulka ah ka hor ciyaarta :

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close