HORDHAC: Barcelona VS Lyon ? xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey.

 (Europe) 13 Maarso 2019. Kooxda Barcelona ayaa caawa kulan xiiso badan la qaadan doonta kooxda Lyon kulan ka tirsan lugta labaad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League .

Kualn ciyaareedkii lugtii hore oo ka dhacay ciida farnce iyo kooxda Lyon ayaa ku soo gaba gaboobay bar baro gool la’aan ah , dhinaca kale  kooxda Barcelona ayaa ku dhib qabi doonta hadii lawga dhaliyo garoonkeeda gool , bareejo kasto oo goolal ahna waxaa ku hari karta kooxda Barcelona .

Maxaa ka cusub labada kooxd ka hor kulanka :

Philippe Coutinho ayaa ku soo bilaaban kara kulanka caawa oo ay la leeyihiin kooxda  Lyon wallow uu aad uga xumaaday taageerayaasha kooxda Barcelona kaddib markii ay ku ooriyeen kulan ciyareedkii ay 3-1 ay ku dhar baaxeen kooxda  Rayo Vallecano.

Ousmane Dembele ayaa kulanka dhaawac ku seegaya balse booskiisa waxaa buuxin doona  Coutinho  oo halka Malcom uu yahay dooq kale oo macquul in la soo safo.

Thomas Vermaelen ayaa wali qaba dhaawac qeebna kama ahaan doono liiska ciyaartoyda kulankan ka qeeb qaadanaya .

Dhinaca kale kooxda Lyon waxaa safkooda dib ugu soo laabtay kabtankooda Nabil Fekir kaas oo ganaax ku seegay kulankii lugtii koowaad oo ka dhacay garoonkooda , 25-jirkan ayaa xagagan kooxdiisa u dhaliyey 12-gool oo horyaalka Ligue 1.

Lyon ayaa kooxdeeda caafimaadka ka sugeysa warqad cadeeneysa in ay caafimaad qabaan xidigiheeda kala ah Rafael iyo Marcelo si ay ugu soo bilowdaan kulanka caawa .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Barcelona VS Lyon ( Champions League )

Goobta : Camp Nou

Goorta :11:00 oo habeenimo

Garsoorka : Szymon Marciniak (Poland)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

68% boqolkiiba kooxaha bareejo 0-0 ku soo gala meel aan garoonkooda aheyn kulan ka tirsan tartanka Champions League heerkiisa bug baxa misane lugta labaad lagu ciyaarayo garoonkooda  kooxaahaas waxa ay u gudbayeen wareega xiga  21-ka mida 31-dii dhacdo ee la soo dhaafay tartanka Champions League .

Barcelona ayaa wada badisay dhamaan sedexdii kualn ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda  Lyon kulamda  Champions League, waxa ay sedexdaas kulan ay ku dhaliyeen 10 goals halka dhankkda laga dhalieyey labo goo loo qura  .

Tan iyo guul daradii  3-0 aheyd oo ay  kala kulantay kooxda  Bayern Munich iyada oo lagu ciyaarayo Camp Nou 1 May 2013, Barcelona ayaa badineysay  26-ka mida  29 –kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamada Champions League (3-kulan ayey bareejo galeen).

Lyon ayaa qasaarta 7-kamida 9-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay booqato garoon kale tartanka Champions League kulamdadiisa bug bax . labo kulan ayey bareejo galeen, balse waxaa xusid mudan in afartii kulan ee ugu dambeyey marna aysan gool dhalin .

Barcelona’laacibkooda ahana kabtankooda Lionel Messi ayaa dhaliyey  60 –gool 60- kulan oo Champions League oo uu ku ciyaaray Camp Nou. Balse waxa uu ku fashilmay in uu dhaliyo ama caawiyo 8- ka mida 11-kii kulan ee ugu dambeye oo uu ku ciyaarya garoonkooda ama  meel ka baxsanba tartanka Cahmpions League heerkiisa kulmada bug baxa .

Safafka macquulka ah ka hor kulanka :

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close