Cristiano Ronaldo oo wajahaya Ganaax la mid ah kii la dul dhigay Diego Simeone

(Europe) 13 Maarso 2019. Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya ganaax la mid ah midkii la dul dhigay tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone, kaddib markii uu sameeyay dabaal deg la mid ah midka macalinka reer Argentina.

Simeone ayaa xaniinyaha qabsaday mar uu dabaal degayay kaddib labadii gool ay kooxdiisa uga soo adkaatay Juventus lugtii hore ee wareega 16-ka Champions League, mar la waydiiyay sababta uu halkaa u qabsaday ayuuna macalinak reer Argentina ku sheegay inuu taageerayaashiisa u muujinayay inay leeyihiin Xaniinyo calaashaan raganimo.

 Diego Simeone was slapped with a £17,000 fine for his celebration in the first-leg

Ronaldo ayaa isla dabaal degaas sameeyay kaddib markii uu wada dhaliyay saddexdii gool ay xalay ku adkaatay Juventus uguna soo gudubtay wareega sideed dhammaadka Champions League.

Haddaba Ronaldo ayaa lagu wadaa in lagu ganaaxo lacago dhan 17,100 oo bound waana in la mid ah intii lagu ganaaxay Simeone.

 Cristiano Ronaldo appeared to mimic Diego Simeone's celebration

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close