BAL EEG: Rikoodhada waalida ah uu Ronaldo ka dhigay Champions League, Malaha mid uu reebay malahan

(Europe) 13 Maarso 2019. Cristiano Ronaldo ayaa sare u sii qaaday rikoodhada waalida ah uu ka dhigayo koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League kaddib saddexleydii uu xalay ka dhaliyay Atletico Madrid.

Juve ayaa 2-0 lagu soo maray lugtii hore ee wareega 16 ka ee lagu soo ciyaaray Madrid balse geesiga reer Portugal ayaa xalay meel uga soo baxay isagoona wada dhaliyay saddexda gool ay ku xaaqeen Atletico.

Haddaba ka bogo Rikoodhada waalida ah uu Ronaldo ka dhigay tartanka Champions League

Cristiano Ronaldo towers over Diego Godin in the air to score the opening goal of the night for Juventus before the half-hour

➡️Waa laacibka ugu goolasha badan taariikhda CL 124-gool.

➡️ Waa laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee kulamada lagu ciyaaro (Home)
➡️ Waa laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee kulamada bannaanka (Away)
➡️ Waa laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee kulamada bug baxa (Knockout stages)
➡️ Waa Laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee ciyaaraha kama damebeysta (Finals)
➡️ Waa laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee Laadadka xorta ah (Free-kicks)
➡️ Waa laacibka dhaliyay Rigoorooyinka ugu badan (Penalties)

➡️ Waa laacibka goolasha ugu badan ku dhaliyay Madaxa (Headed goals)
➡️ Waa Laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee labo-labada loo dhaliyo (Braces)
➡️ Waa laacibka dhaliyay goolasha ugu badan ee Saddexeyda ‘Hat-tricks’ (Messi ayaa Rikoodhkan la leh)
➡️ Waa Laacibka sameeyay caawinta ugu badan (Assists)

Ronaldo 🔥🌎

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close