WAR CUSUB: Kaddib soo laabashadii Zidane kooxda Real Madrid oo durba la xiriirtay Chelsea

(Madrid) 12 March 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa la xiriirtay Eden Hazard wax yar kaddib magacabistii Zinedine Zidane sida wararku ay sheegayaan.

Tababaraha reer France ee Zidane ayaa taageere wayn u ah xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hazard, waxaana uu doonayaa inuu la soo saxiixdo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Zizou ayaa sidoo kale lagu dhiirri-geliyay helitaanka Hazard markii uu saddexda jeer ku guuleystay koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League, laacibka reer Belgium ayaana macallinkan ku tilmaamay mid uu ku daydo.

Labo sano ka hor isagoo Hazard la hadlayey Belgian TV channel ayuu yiri: “Qof walba waa uu garanayaa xushamadda aan u hayo Zidane ciyaaryahan ahaan, laakiin sidoo kale tababare ahaan, isagu waa mid aan ku daydo.”

“Ma garanayo waxa dhici doona mustaqbalka, si kastaba, hubaashii inaan ka hoos ciyaaro Zidane waxay noqon lahayd riyo.”

Hazard ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa Los Blancos, isla markaana waxa uu diidan yahay inuu saxiixo qandaraas cusub oo kaliya waxa uu sheegay inuu doonayo inuu dhaqaaqo.

28-sano jirkaan ayaa hal sano oo qura uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa haatan ee xagaaga, Jariiradda The Telegraph ayaana warinaysa in kooxda Real Madrid ay durbadiiba isku diyaarisay inay bixiso 100 milyan oo gini.

Sidoo kale Hazard ayaa kasban doona inuu todobaadkii jeebka ku shubto oo uu mushahar ahaan u qaato adduun dhan 300,000 oo kun oo gini.

Chelsea ayaa ka biyo diiddan inay lumiso xiddigeeda, balse waxay ka war haysaa inay bilaash ku waayi doonto bisha Janaayo ee sanadka 2020-ka.

Hazard ayaa la filayaa inuu si cad ugu sheego Blues inuu doonayo inuu tago suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Yeelkeede, ganaaxa suuqa laga saaray kooxda Chelsea ayaa la micno noqon kara inay Hazard ka hor istaagaan inuu kooxda ka tago, maxaa yeelay lama soo wareegi karaan badelkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close