Juventus oo guul soo laa basho leh ka gaartay Atletico Madrid iyo Man City oo aan u axsaan falin Schalke kadiib xasuuq ay u geesteen +Sawiro

(Yurub)13 Marso 2019 Kooxda Juventus ayaa dhigeeda Atletico Madrid ka gaartay guul soo laabashao ah kaddib markii ay uga adkaadeen 3-0 , wadarta goolasha ee labada kulan ayaana ah (3-2)

Qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan xili taageerayaasha kooxdooda ay sawaxan iyo qeylo dhaan ay ku garab taagnaayeen ciyaartoyda .

Atletico waxa ay la kulmeysay cadaadis badan waxa ayna xakameen waayeen weerarada halista ah ee lagu soo qaadayao ,juventus ayaa gabi ahaanba la wareegtay gacan ku heenta kulanka iyaga oo ugu dambeen helay gool.

Daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta Ronaldo ayaa goolka madax ka dhaliey kooxda Madrid waxaana goolkaas ka cawiyey laacibka lagu magacaabo Bernardeschi.

Juventus ayaa dadaal kale oo dheeri ah ku bixisay in ay la yimaadaann gool labaad balse waqtiga uma saamixin oo waxaa dhamaaday qeebtii koowaad ee ciyaarta , juve ayaa gool kaga hor kaceysaey dhigeeda Atletico Madrid .

Waqti nasiino iyo talo soo qadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa mar kale ku soo gashay garoonka qaab ciyaareed ka xaawaaro badaan qeebtii hore .

Ronaldo ayaa markale soo celiyey rajadii juventus waxa uuna dhaliyey gool kale oo labaada oo ka farxiyey jamaahiirta Juventus ee garoonka ku sugnaa iyo kuwa shaashada caalamka ka daawanayey.

Juventus ayaa sameesay wax kasta oo ay awoodeen si ay u helaan gool sedexaad balse ugu dambeen waxaa lagu abaal mariyey gool kulaad waxaana dhaliyey Ronaldo oo dhaliyey caawa goolasha loo yaqaano sedexleyda.

Juventus ayaa sameesay wax mucjiso ah kaddib markii ay sameyeen soo laabasho cajiib ah , horey waxaa sidan u sameyey kooxaha Ajax , Manchester United iyo caawa oo Juventus ah .

Juve ayaa gaartay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League ,Ronaldo ayaana ahaa geesigii dhaxda u xirtay guushii weyneed ee ay kooxdiisa caawa ka gaartay kooxda Atletico Madrid .

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Schalke 04 waxa ayna kaga adkaadeen golal gaaraya

Qeebtii kowaad ee kulanka ayeyba dhaliyeen sedex gool waxaana u kala dhaliyey Aguero oo dhaliyey labo gool mid kamid ahna rigoore ayey aheyd halka goolka sedexaadna u dhaliyey Lory Sane .

Qebtii dambe ee kulan ciyareedka City ayaa la timid goolal kale waxaana u dhaliyey Sterling iyo xidga reer Portugal Bernando Silva waxa ayna natiijada ciyaarta noqotay (5-0).

Taagerayaasha Schalke 04 ayaa aad ula yaabay waxa ku dhacay kooxdooda kaddib markii laga dhaliyey goolkii lixaad ee ciyaarta daqiiqadii 78-aad ee waxaana goolkaas dhaliyey da’yarka khadka dhexe ee Foden oo badal ku soo galay ciyaarta balse daqiiqado yar un kaddib weeraryahanka reer Barazil ee Gabrail Jesus ayaa dhaliyey gool kale natiijada ciyaarta ayaana noqotay (7-0)

Ugu dambeen kulanka ayaa ku dhamaaday 7-0 balse wadarta goolasha ee labada kulan ayaa ah (10-2) City ayaana iska xaadirsay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League .

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close