Heegan Oo Galabta Guul Ka Gaartay kooxda Jeenyo

(Soomaaliya) 12 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa galabta guul ka gaartay Naadiga Jeenyo kadib markii ay 2 iyo 0 ugu adkaatay.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan wuxuuna qeyb ka ahaa Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore ciyaarta aya lagu kala maray 0 iyo 0, walow ay dhoor fursadood iska qasaariyen labada dhinac.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaata wiilasha Heegan ayaa dar dar xoogan garoonka la soo galeyn iyago rabay in ay shabaqada jeenyo soo taabtan, balse wey dhacday waxaa gool u dhaliyay ciyaaryahan cabdimajiid banteki, kulanka ayuu ka dhigay 1 iyo 0.

Kooxda Heegan ayaa la timid goolkii 2 aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay xidiga lagu magacabo cabdirisaaq, ciyaarta ayuu ka dhigay 2 iyo 0 ay ku hogaamineyso heegan.

Ugu dambeyn Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 0 ay guusha ku raacday Heegan.

W/Q: C/fitaax Naani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close