BAL EEG: Macquul ma tahay in Shaxda Real Madrid ay sidan u Muuqato kaddib markii uu dib ugu soo laabtay Zidane!!?

(Madrid) 12 Maarso 2019. Zidane ayaa si lama filaan ah dib ugu soo laabtay xilka tababaranimo ee Real Madrid 10-bilood uun kaddib markii uu iskiisa uga tagay maadaama laga diiday codsigiisa ahaa in dhiig cusub kooxda lagu shubo.

Madaxwaynaha Los Blancos ayaa iminka aqbalay codsiga macalinka reer France waxaana lagu wadaa in farta laga saaro qarash xoog leh si uu ula soo wareego xiddigo waa wayn.

The Sun ayaa shax mala awaal ah ka sameysay sida ay noqon karto Shaxda Real Madrid kaddib marka uu suuqa ka soo kaluumeysto Zidane.

Uma badna inay sheekadan dhici karto balse haddii ayba dhacdo kooxaha dhibka badan qabi doona waa Chelsea oo wayn doonta labadeeda tiir ee Kante iyo Hazard halka PSG ay waayi doonto wiilasha qaaliga ah ee Neymar iyo Mbappe.

Sidoo kale Man United ayaa waayi doonta Goolhaye David de Gea iyo Paul Pogba.

Malaga yaabaa in Real Madrid ay hesho xiddigahan, EEG SHAXDA:

Tokeo la picha la GALACTICOS II Neymar, Mbappe, Pogba, Hazard and Kante… how Real Madrid could line up with new generation of Galacticos under Zidane

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close