RASMI: Jordi Alba oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Barcelona

(Barcelona) 11 March 2019. Daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa saxiixay heshiis cusub uu ku sii joogayo garoonka Cump Nou.

Heshiiska cusub ee Jordi Alba ayaa si rasmi ah loo shaaciyay, kadib shir jaraa’id ay ku qabteen maamulka sare ee kooxda Barcelona gudaha garoonka Cump Nou.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday isbuuc ka hor inay heshiis la gaartay daafaca reer Spain ee Jordi Alba, kahor inta uusan maanta oo isniin ah si rasmi ah u saxiixin.

Heshiiskan cuusub ee Jordi Alba ayaa gaarsiisan ilaa iyo shan sano, wuxuuna baaqi ku sii ahaan doonaa garoonka Cump Nou ilaa iyo June 2024.

Barcelona ayaa gaarsiisay qiimaha lagu kansali karo heshiiska Jordi Alba aduun dhan 500 milyan euro.

Jordi Alba ayaa kasoo muuqday kooxda Barcelona 284 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuu dhaliyay 14 gool, wuxuuna kula guuleystay 14 koob, xirfadiisa kooxda reer Catalonia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close