Liverpool oo kormeer ku haysa xiddig ka tirsan kooxda Real Sociedad & Qiimaha lagu heli karo laacibkan

(Liverpool) 11 March 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay kormeer ku hayso laacibka naadiga Real Sociedad ee Diego Llorente.

Reds waxaa la warinayaa inay qorsheynayso inay xagaagan la soo wareegto Diego Llorente oo difaaca uga dheela kooxda Real Sociedad.

Diego Llorente ayaa ku soo baxay da’yarta kooxda Real Madrid, waxaana uu si joogto ah ugu ciyaaray labada kooxaha yar yarka ee Real Madrid C iyo Real Madrid Castilla, ka hor inta uusan saddex kulan u safan kooxda koowaad.

Waxa uu difaacan ka tagay garoonka Bernabeu isagoo ka aaday Sociedad sanadkii 2017-kii, waxaana uu tartammada oo dhan u ciyaaray 52 kulan, isagoo shabaqa soo taabtay todoba jeer.

Warsidaha Noticias de Gipuzkoa ayaa warinaya in Llorente lagu heli karo adduun dhan 27 milyan oo gini suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan, taasoo soo jiidatay kooxda Liverpool, kuwaasoo la filayey inay u dhaqaaqaan soo xero gelinta difaac dhexe dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigan xulka qaranka Spain u saftay labo goor ee Llorente ayaa 18 kulan u ciyaaray kooxda Sociedad xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close