Ka bogo kala sarreynta gooldhalinta horyaalka La Ligaha Spain… (Lionel Messi iyo Luis Suárez oo halka sare ku jira!)

(Barcelona) 11 March 2019. Inta badan kulamadii 27-aad ee horyaalka La Ligaha Spain ayaa la ciyaaray iyadoo ay hoggaanka u hayaan  gooldhalinta horyaalka La Liga xiddigaha ka wada tirsan kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suárez.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa horkacaya haatan gooldhalinta horyaalka La Ligaha Spain,waxaana uu leeyahay 26 gool iyo 12 caawin.

Waxaana ku soo xiga isla weeraryahanka kale ee kooxda Barcelona ee Luis Suárez oo ku jira kaalinta labaad isagoo horyaalka Spain xilli ciyaareedkan ka sameeyey 17 gool iyo 5 caawin.

Cristhian Stuani oo ka tirsan kooxda Girona oo leh 16 gool oo horyaalka ah ayaa xiga waxaana ku sii xiga oo ka dambeeya weeraryahanka naadiga Sevilla ee  Wissam Ben Yedder oo dhaliyey 15 gool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta horyaalka La Ligaha Spain iyo caawinta ay sameeyeen illaa haatan:-

Lionel Messi (Barcelona) 26 gool iyo 12 caawin.

Luis Suárez (Barcelona) 17 gool iyo 5 caawin.

Cristhian Stuani (Girona) 16 gool iyo 0 caawin.

Wissam Ben Yedder (Sevilla) 15 gool iyo 6 caawin.

Jaime Mata (Getafe) 13  gool iyo 6 caawin.

Karim Benzema (Real Madrid) 13 gool iyo 3 caawin.

Antoine Griezmann (Atl Madrid) 12 gool iyo 7 caawin.

Charles (Eibar) 12 gool iyo 1 caawin.

Borja Iglesias (Espanyol)  11 gool iyo 2 caawin.

Raúl de Tomás (Rayo Vallecano) 11 gool iyo 0 caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close