Imise lacag ah ayey Man United siin doontaa Ole Gunnar Solskjaer haddii ay ka dhiganayso Tababaraheeda joogtada ah?

(Manchester) 10 March 2019. Waxaa la shaaciyey lacagaha ay kooxda Manchester United siin doonto macallin Ole Gunnar Solskjaer haddii ay doonayso inay ka dhigato tababaraheeda joogta ah.

Jariiradda Mirror ayaa warinaysa in Manchester United ay bixin doonto adduun dhan 6 milyan oo gini si ay u sii haysato macallin Ole Gunnar Solskjaer oo ay uga dhigato tababaraheeda joogtada ah.

Macallinka reer Norway ee Solskjaer ayaa Man United u saxiixay heshiis cusub oo ku meel gaar ah todobaadyo ka hor markii garoonka Old Trafford laga cayriyey Tababare Jose Mourinho bishii December ee sanadkii hore.

Weeraryahankii hore ee Man United ayaa dib ugu soo laabtay kooxda, waxaana United ay go’aansatay inay ka dhigato tababaraheeda joogta ah kaddib markii uu guulo wax ku ool ah ku hoggaamiyey naadiga.

Yeelkeede, haddii ay Man United doonayso inay Solskjaer ka dhigato macallinkeeda joogtada ah waa inay bixisaa lacagaha uu doonayo isaga, jariiradda Mirror ayaa leh lacagtaasi waa 6 milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close