HORDHAC : Liverpool VS Burnley ? kaga bogo muclaamad dhameestiran oo ku saabsan kulanka .

( Premier League ) 10 March 2019 kooxda Liverpool oo lagala wareegay hogaanka horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka .

Liverpool ayaan soo badin sedexdii kulan ee ugu dambeyey oo ay ciyaarto dhamaan tartamada waxa ay baadi goobayaan guushoodii ugu horeysay , waxaa kale oo xusid mudan in Reds ay ciyaari doonto kulan muhiim u ah oo ka tirsan lugta lbaad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League .

Liverpool ayaa ka iska ilaalineysa in ay qasaariso dhibic qura si aynaan Man City uga sara marin farqiga hadda u dhexeeya wax ka badan .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Alex Oxlade Chamberlain ayaa qarka u saran in uu dib ugu soo laabto kooxdiisa si uu safto kulankiisa ugu horeeya tan iyo dhaawac halis ah oo uu garoomada kaga maqnaa .

Roberto Firmino oo dhaawac ka soo gaaray kulankii Manchester  ayaa hadda si wanaagsan u soo kabsaday  waxa la ciyaarsiiyey qeebtii dambe ee kulankii Merseyside derby , lkn hada waxa uu ku soo laaban doonaa safka koowaad kulankan.

Liverpool’  macalinkooda ayaan u riyaaqsaneen qaab ciyaareedka weeraryahanadiisa kulamdii ugu dambeyey  kuwaas oo soo bandhigay ciyaar liidatay oo kaliftay in kooxda Man City ay la wareegto hogaanka horyaalka .

Naby Keita ayaa ku soo laaaban doona khadka dhexe kulanka ciyaareedka ay la qadanyaan kooxda  Burnley galabnimadan  .

Burnley waxa  wali safkooda ka maqan  xidigaha kala ah Aaron Lennon, Jonathan Walters iyo Steven Defour kuwaas oo dhamaan seegaya kulanka Liverpool .

Marka laga soot ago ciyaartoydaas ka maqan kooxda Burnley ayaa heysata saf buuxa oo dhameestiran oo ay kala hortagi karaan kooxda Reeds .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Liverpool VS Burnley

Goobta : Anfield

Goorta :3:00 oo galabnimo

Garsoorka : Andre Marriner

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Liverpool ayaa guul daro la’aan ah 35-tii kulan ee ugu dambeyey oo ay ku ciyaarto garoonkeeda horyaalka  (Premier League)kaliya waxaa kabadan kooxaha Chelsea , Man City iyo Manchester United oo kulamo badan ku adkaaday garoonkooda .

Liverpool ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 4-tii kulan ee ugu dambeyey ee  horyaalka (Premier League).

Kooxda Liverpool ayaa badineysay badineysay 9-kamid 11-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay Burnley kula ciyaarto garoonkeeda dhamaan tartamada ,labo kamida bareejo ayey galeen halka kulanka kale ay Liverpool la kulantay qasaaro waxa ayna guuldaradaas ay soo gaartay bishii Sebtember sanadkii 1974.

Burnley ayaa badisay labo kamida sedexdii kulan ee ugu dambeyey oo ay ciyaarto maalin Axad ah tartanka Premier League ,iyaga oo qasaaray  kulanka kale , balse 20-kulan oo ay ciyareen maalintan oo kale ayey ka heystaan rikoor ah ( 2 – guul 4 –bareejo iyo 14-guul daro ).

Kooxda Liverpool ayaa ku guul dareesatay in ay badin weyso shan kamida 9-kulan oo ciyaarta sandka 2019 . halka ay 20-kii kulan ee ugu horeyey ee xili ciyaareedka oo dhan ay ku fashilmeen in ay badin wayaan sedex kulan ( 17-guul 3-bareejo )

Eeg safafka macquulka ah :

G

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close