Hankii Chelsea ee kaalinta afaraad oo mugdi galay kadiib markii ay bareejo ka tuugtay kooxda Wolves+Sawiro

(Premier League ) 10 Marso 2019 Kooxda Chelsea ayaa bareejo ka tuugtay kooxda Wloves kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League waxa uuna kulankooda ku soo dhamaaday 1-1 .

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka kooxaha Chelsea iyo Wolves ayaa is mari waayey waxa ayna ku hishiyeen bar baro.

Bules oo garoonkeeda ku ciyaareysay ayaa iska qasaarisay dhowr jaanisyo oo soo maray qeebtii koowaad ee ciyaarta xili Wolves dhankooda ay heleen dhowr fursadood balse kama aysan faa’ideysan .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 0-0 , waqti nasiino ah kaddib waxaa durba dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo xiiso gooni ah laheyd .

Kooxda martida aheyd ee Wolves ayaa dhalisay gool qeebtii dambe ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidigooda Rual Jimenez daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta .

Chelsea ayaa waxa ay sameesay dadaalo badan si ay isaga soo aargudo goolka deenta ah ee lagu yeeshay balse kooxda Wolves ayaa sameesay difaacasho qurux badan .

Chelsea ayaa heshay goolka bareejada waqtiga dhimashada ee ciyaarta waxaana u soo celiyey laacibkooda Eden Hazard.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhamaaday bar baro labada koox ayaana ku hishiiyey 1-1.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close