Arsenal oo soo xaadirtay booska afaraad kaddib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxd Manchester United +Sawiro

(Premier League ) 10 Marso 2019. kooxda Arsenal ayaa dharbaxo kulul u geysatay kooxda Manchester United kulan ka tirsana horyaalka Premier league natiijada kulan ciyaareedka ayaana ku soo dhamaaday (2-0)

Qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Arsenal ayaa ku hogaamineysay 1-0 waxaana goolka u dhaliyey xidigooda khadka dhexe ee Xhaka kaas oo dhaliyey daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta .

Kooxda Manchester United ayaa kaga gacan sareysay kooxda Arsenal qeebtii koowaad ee ciyaarta waxa ayna la wareegeen gacan ku heynta kubadaa wallow gool lowga hor kacaey.

Unuted ayaa iska qasaarisay fursado badan qeebtii koowaad ee ciyaarta waxan iyaga oona ku hun goobay in ay gool u badalaan jaanisyadii ay heleen .

Kukan ciyaareedka qeebtiisa koowaad aya ku dhamaaday Arsenal oo gool la timid qeebta koowaad iyo United oo daadaal la timid balse gool aan helin .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , United ayaan ku soo gashay dar dar hor leh si ay u keenaan goolka deenta ee lagu leeyahay.

Arsenal waxaa u saara gashay in ay helaan gool rigoore kadiib qalad lagu galay Lacazette waxaan goolka rigoorada dhaliyey daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta Aubameyang.

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay 2-0 , dareenkii United ee ahaa in ay gool keenaan ayaa is badalay waxaana ka soo haray yaab iyo fajac .

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku dhamaaday labo gool iyo waxba , Arsenal ayaana soo xaadirtay booska afaraad ee kala sareenta jadwalka horyaalka.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close