Monchi oo ka hadlay xaqiiqada ku aadan wadahadalada uu kula jiro kooxda Arsenal

(Yurub) 9 March 2019. Agaasimihii hore ciyaaraha ee kooxda Roma Monchi ayaa markii ugu horeysay la hadlay saxaafada, kadib markii uu ka tagay shaqada kooxda reer Talyaani.

Monchi ayaa go’aansaday inuu isaga dhaqaaqo kooxda Roma kadib markii shaqada laga ceyriyay tababare Eusebio Di Francesco, wuxuuna wareysi uu bixiyay kaga hadlay dareenkiisa kadib ka tagistiisa kooxda Giallorossi.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qof walba ee fursad ii siiyay inaan ka shaqeeyo kooxda Roma, ma jirto wax kale ee aan sheegi karo”.

“Waxaa haatan fiican in horey loo socdo, waxaan Roma u rajeenayaa waxa ugu fiican inta ka dhiman xili ciyaareedka, isla markaana ay gaaraan ujeedkooda ah in xili ciyaareedka ay kaga dhameystaan 4-ta sare ee horyaalka Talyaaniga”.

Intaas kadib Monchi ayaa waxaa wax laga weydiiyay wararka ku aadan inuu ku biirayo kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal balse jawaabta uu ka bixiyay ayaa noqotay.

“Wali go’aan kama gaarin mustaqbalkeyga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close