Kooxda Man City oo dhagta dhiiga u dartay kooxda Watford+Sawiro

( Premier League ) 9 MAR 2019 kooxda Man City oo ku ciayaareysay garoonkeeda  ayaa guul (3-1 ) ka gaartay kooxda Watford kulan katirsanaa horyaalka Premier League .

Qeebtii kowwad ee kulanka ayaa ahaa mid la is mari wayey wallow kooxda Man City ay sameesay jaanisyo badan oo gool loo filan karay balse wey ku hungoobeen .

Dhainaca kale kooxda Watford ayaa sameesay difaacsho qurux badan qeebtii koowaad ee ciyaarta wallow gacanta ku heenta kulanka ay ku gacan sareysay kooxda Man City .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 0-0 , ciyaartoyda ayaana u huleelay qolka labiska si ay u soo qaataan nasiino iyo talooyinka macalimiintooda.

Waqti kaddib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Man City ayaana ku soo gashay car car aad u xooga badan .

Daqiiqado kooban ayey ku dhaliyeen labo gool kooxda Man City waxaana labada goolba u dhaliyey xidiga dhereeya ee Raheem Sterling , mid kamida goolashaasna waxaa ka caawiyey Riyad Mahrez.

Markale Raheem Sterling ayaa gaaray shabqa daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta natiijada kulanka ayaana isku badalay 3-0 Raheem Sterling ayaana dhaliyey goolasha sedexleyda loo yaqaano .

kooxda Watford ayaa ciyaarta ka dhigtay 3-1  waxaana u dhaliyey xidiga reer Spain ee  Gerard Deulofeu daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta .

ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay  3-1 koxda Man City ayaana xajisatay booskeeda kaalinta koowaad ee horyaalka .

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close