Kooxda Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Rayo Vellacano .

( LaLiga )  MAR 2019 kooxda Barcelona aya aguul ka gaaratya kooxda Rayo Vellacano kulan ka tirsanaa horyaalka spain ee La Liga kulan ciyaareedkooda ayaana ku soo dhamaaday 3-1

Kulanka ciyaareedka labada koox ayaa ku bilowday dar dar xoogan kooxda martida aheyd ee Rayo Vellacano ayaa ku horeysay goolka  xili Barcelona  ay heshay goolka bareejada qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Raul De Tomas ayaa u dhaliyey kooxda goolka daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey Alvaro Garcia .

Barcelona ayaa durba dadaal u gashay in ay iska soo gudo goolka laga dhaliyey waxaana goolka bar baraha usoo celiyey daafacooda jooga dheer ee Gerard Pique waxaana goolkaas ka caawiyey Lionel Messi .

Ugu dambeen qeebtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala maray bareejo 1-1 , waxaana mudo kaddib oo nasiino lagu maqnaa dib loo baastay qeebtii labaad ee ciyaarta xili Barcelona ay ku soo gashay dar dar xoogan .

Barcelo ayaa la timid goolkii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibkooda gool rigoore ah Messi , Rayo ayaa awoodi weyday in ay iska soo bareejeeyaan waxaana marakale ay Barcelona ay la timid gool sedexaad waxaana u dhaliyey Suarez.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo dhamaday 3-1 oo ay ku awood sheegatay kooxda Barcelona kulan katirsanaa horyaalka Spain ee La Liga .

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close