HORDHAC : Man City VS Watford ? Xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey.

( Premier League ) 9 March 2019 kooxda Manchester City  oo hor kaceysa hogaanka horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda ku qaabili doonta kooxda Watford oo guul soo gaartay kulankii ugu dambeyey ee hoeryaalka.

City oo isla todobaadkan gudihiisa ciyaari doonta  kulanka lugta laabdd ee tartanka Champions League wareegiisa 16-ka ayaa dooneysa in natiijo wanaagsan ay ka helaan kulanka Watford maadama ay loolan oo adag kala kulmeyso koxoda Liverpool.

Watford ayaa niyadsami buuxda ku wajheysa kooxda Man City madaama guul waqti dambe ah ay ka gareen kooxda  Leicester , sidookale maqabaan wal wal dhaawacyo.

Wararka labada koox :

Manchester City macalinkooda  Pep Guardiola ayaa il gooni ku eegaya kulanka xiga ee bartamaha asbuuca  ee  Champions League oo ay la qadaanayaan kooxda  Schalke xili ay macquul tahay in safkiisa kulanka manta uu is badal weyn ku sameeyo.

Kevin De Bruyne ayaa dhaawac lowga saaray kulan ciyaareedkii ay la qaateen kooxda  Bournemouth dhamaadkii asbuucii hore waxa uuna seegayaa kulanka Watford , John Stones ayaa sidookale ka maqan kooxda Man City .

Fabian Delph iyo Benjamin Mendy ayaa wali ku jira tijaabadii  ugu dambeyey oo ay dib ugu soo laaban lahayeen kooxda madaama ayaa mudo fog ay kooxda ka maqanyihiin .

Tawabre Javi Gracia ayaan heysan u jeedo uu ku badalo safkii ugu dambeyey ee 2-1 ku garaacay kooxda Leicester bilowgii asbuucii hore , Watford ayaa saf dhameestiran ula safraty Manchester .

Kooxda martida ah ma qabaan wax dhaawacyo ah oo kulankan kaga maqnaanaya waxa ayna iskeeni doonaan iyaga oo niyadsan madaama kulankii hore ay soo adkaadeen .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka  : Man City VS Watford  ( Premier League )

Goobta : Ethihad Stadium

Goorta : 8:30 oo habeenimo

Garsoorka : Paul Tierney

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Man City ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay wajahdo kooxda Watford dhamaan tartamada .

Man City have ayaa badineysay qeebta koowaad iyo qeebta labaad ee kulankaba 5-tii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda Watford dhamaan tartamada  .

Man City ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 6-kamida 8-dii kulan ee ugu dambeeyey  oo ay ka ciyaarto horyaalka (Premier League).

Man City marnaba ma qasaarin kulan katirsan horyaalka Premier League oo ay wajahday kooxda Watford ( 7-guul iyo 2-bareejo) guusha 7-da kulan ah oo ay ka gaartay kooxda Watford waxa ay isku dar ku dahlisay 22-gool halka Watford ay la yimaadeen 3-gool oo qura.

Dhamaan tartamada kooxda Watford ayaa qasaartay 9-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda Man City kaliya Manchester United ayaa ka badisay kulamo xiriir ah oo intaa kabadan waana 11-kulan , guul darooyinkaas xiriirka oo ay kala kulantay United ayaa yimid intii u dhaxeysay (1987 ilaa 2016)

Man City ayaa ku heshay garoonkeeda 42-dhibcood xili ciyaareedkan waxa ayna u socdaan in helaan 45-dhibcood . City rikoorka garoonkeeda ayaa ah ( 14-guul iyo 1-qasaaro) kulanka qasaarahana waxa ay kala kulmeen kooxda crystal Palace bishii December .

Eeg safafka macquulka ah :

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close