HORDHAC: Barcelona VS Rayo Vellacano? Kaga bogo macluumaad ku saabsan kulan kooda .

( La Liga ) 9 March 2019 kooxda Barcelona oo farqi 7-dhibcood ah ku hogaa mineysa horyaalka La Liga  ayaa markan garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda yare e e Rayo Vallecano.

Rayo Vallecano oo aan  guul soo arag shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto La Liga ayaa misana wajihi doonta kooxda sharta badan ee Barcelona .

Barca wax ay ciyaari doontaa kulanka lugta labaad ee tartanka Champions League waxa ayna u badantahay in ciyaartoydooda ugu muhiimsan ay ku soo bilaaban doonaan kursiga keydaka.

Maxaa ka cusub labda koox ka hor kulanka :

Clement Lenglet ayaa ka ganaxan kooxdiisa Barcelona , Samuel Umtiti aya markii ugu horeeyey u safan kara kooxdaa Barca kaddib mudo fog uu ku maqna dhaawac .

Sergio Busquets aya la nasin doonaa si uu taam buuxa ugu ugu noqdo kulanka lugta labaad ee tartanka  Champions League, waxaana safka khadka dhexe hogaamin doona  Ivan Rakitic oo dhaliyey goolkii ay ka badiyeen kooxda Real Madrid kualnkii Calasico.

Philippe Coutinho ayaa ka soo muuqan doono kulankan weerarka kadib markii uu ka baxay dooqa xulashada macalin  Ernesto Valverde dhamaan tartamada .

Abdoulaye Ba ayaa ka ganaaxan kooxda martida ah waxaana booskiisa badali kara Alex Galvez oo ka soo muuqan doono dambeedka  daafca dhexe .

Luis Advincula ayaa rajeenaya in uu dib ugu soo laabto booskiisa garabka midig balse waxa uu tartan kala kulmayaa xidiga kale ee lagu magcaabo  Tito.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Barcelona VS Rayo Vallecano

Goobta : Camp Nou

Goorta : 8:30 oo habeenimo

Garsoorka : Mario Melero Lopez (Spain)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Barcelona ayaa badineysay 12-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda Rayo Vallecano  dhamaan tartamada

Barcelona ayaa dhalineysay ugu yaraan 3-gool 11-kamida 12-kii kulan ee ugu dambeyey  oo ay wajahday  kooxda Rayo Vallecano dhamaan tartamada .

Rayo Vallecano ayaa qasaartay shantii kualn ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto horyaalka dalka Spain ee ( La Liga).

Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 9-kamida 13-kii kulan ee ugu dambeeyey ee La Liga kaddib 11-kulan oo ka horeeyey oo ugu yaraan laga dhalinayey gool.

Kooxda Rayo Vellacano ayaa badisay afar kulan oo kamida 35-kualn oo ay wajahday kooxda Barcelona ( 8-bareejo iyo 23-qasaaro) sedex kamida guusha afarta kulan ah waxaa ka qeeb ahaa macalinka waqti xaadirkan hogaamiya ee Michel.

Shan kamida ciyaartoyda Rayo Vellcano ayaa garoonka laga saarayey shatii kulan ee ugu dambeyey ee tartanka La Lga oo ay wajahdo kooxda Barcelona .

Eeg safafka macquulka ah ka hor ciyaarta :

GOOL FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close