“Way fiicnaan lahayd in markale Jose Mourinho uu ku laabto Real Madrid”

(Madrid) 8 March 2019. Xiddigii hore kooxaha Manchester United iyo Tottenham Dimitar Berbatov ayaa sheegay inay tahay wax aad u wanaagsan in Jose Mourinho uu markale ku laabto Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay laacibkii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov.

“Mourinho wuxuu u muuqdaa inuu yahay murashaxa ugu sareeya ee bedeli doona Santiago Solari, way fiicnaan lahayd hadii uu markle ku laaban lahaa”.

“Waxaa jira qalad cad ee ku aadan kooxda Real Madrid, waxay heystaan ​​koox fiican, laakiin sabab kasta ha ahaato ma ahan wax dhici kara xaalada jirta”.

“Kadib markii ay ku guuleysteen tartanka Champions League seddex xilli ciyaareed oo isku xigta, ciyaartoyda ayaa laga yaabaa inay lumiyeen dhiiri galintooda”.

“Waan ogahay in Mourinho uu ka tagay dhibaatooyin yar, lakiin waxaa lagu ixtiraami doonaa qolka labiska, wuu aadi doonaa wuxuuna isku dayi doonaa in xaalada uu wax ka badalo”.

“Jose wuu ka war qabaa sida loo guuleysan karo, tani waa waxa uu ugu qasban yahay inuu dib ugu laabto Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close