WAR CUSUB: Real Madrid oo goor dhow Ceyrineysa Solari isla markaanaTababare Cusub u magacaabaneysa….

(Spain) 08 Maarso 2019. Real Madrid ayaa lagu wadaa inay goor dhow ceyriso tababaraheeda Santiago Solari kaddib waji gabaxii ka soo raacay Champions League.

Warar dhawaan gal ah oo ka imaanaya Spain ayaa tibaaxaya in Jose Mourinho goor dhow loo gacan galinayo xilka tababare ee Camaaliqada Spain.

Ajax ayaa arbacadii si xun u bahdishay Los Blancos oo joogta gurigeeda kaddib markii ay uga adkaatay 4-1 oo ka dhigan inay tahay guul daradii ugu waynayd taariikhda oo Real Madrid ku soo gaarta Bernabeu wareega bug baxa ee Champions League.

 Jose Mourinho's Real Madrid return is believed to be imminent

Sida uu warinayo Telemadrid, goor dhow ayaa la ceyrin doonaa Solar iyadoona la fahansan yahay in 56-jirka reer Portugal ee Mourinho uu qarka u saaran yahay inuu dib ugu soo laabto Madrid.

Wax ka yar hal usbuuc ayaa Real Madrid laga soo wada reebay Copa del Rey iyo waliba Champions League.

Waxaa intaa u dheer in Real Madrid ay 12-dhibcood u jirto Barcelona oo labo kulan kaga adkaatay Bernabeu usbuucii la soo dhaafay.

Solari ayaa xilka ku sii fadhin doona kulanka ay usbuucan la yeelan doonaan Real Valladolid, balse maalmihiisu waa kuwa faro ku tiris ah.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close