Muxuu ka yiri Maurizio Sarri guushii weyneed ay xalay ka gaareen kooxda Dynamo Kyive??

(Yurub) 8 March 2019. Macalinka reer Talyaani ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka hadlay guushii weyneed ay xalay kaga gaareen kooxda Dynamo Kyive lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka Eorupe League.

Shabakada caanka ah ee BBC ayaa soo xigatay wareysi uu bixiyay tababare Maurizio Sarri kadib ciyaarta:

“Waxaan qabaa inaan ciyaarnay kulan aad u fiican, iyadoo aysan naga dhalanin wax gool ah, waxaan si fiican u ciyaarnay qeybtii hore ee ciyaarta”.

“Waxaan u maleynayaa inaan la ciyaarno koox           sidan oo kale ah ay ku haboon tahay inaan kala hortagno qaab ciyaareed fiican sida aan u ciyaarnay qeybtii hore ee ciyaarta”.

“Waxaan rajeyneynaa in xaalada kulanka lugta labaad ay la mid noqoto sidan oo kale, waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan inbadan difaacano natiijada aan heysano”.

“3-0 waa natiijo fiican, waxaan u baahanahay inaan soo bandhigno kulanka lugta labaad, qaab ciyaareed la mid ah sida lugta koowaad oo kale, isla markaana si fiican aan kaga taxadirno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close