Madaxweynaha kooxda PSG oo ka hadlay mustaqbalka tababare Thomas Tuchel

(PSG) 8 March 2019. Madaxweynaha kooxda Paris St Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo tababaraha Jarmalka ah ee Thomas Tuchel, inkastoo ay PSG isaga hartay tartanka Champions League.

Dhinaca kale Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay inuu arki doono dhankiisa go’aanka tababare Thomas Tuchel inuu doonayo inuu sii joogo ama uu baxo.

“Waan ku kalsoonahay tababare Thomas Tuchel”.

“Waan arki doonaa go’aankiisa hadii uu doonayo in kooxda uu sii wado ama uu doonayo inuu ka tago”.

“Laakiin go’aanadaas kuma dhici doonaan sababa la xiriira guuldaradii aan la kulanay, waa inaan si daganaan ah u gaarnaa iyadoo aanan jirin wax deg-deg ah”.

“Laakiin tani ma ahan xilligii aan go’aannadan sameyn lahayn, sababtoo ah ma dooneyno in wax walba ay ku dhacaan si deg-deg ah, deganaanta ayuu xalka ku jiraa”.

“Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan ogaano go’aanka macalinka, sababtoo ah waa arin muhiim ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close