Kooxda Juventus oo guul sahlan ka gaartay kooxda Udinese xili da’yarka Kane uu dhaliyey labo gool+Sawiro

(Serai A) 9 March 2019 kooxda Juventus ayaa guul sahlan ka gaartay kooxda Udinese kulan ka tirsan horyaalka Italy ee Serai A waxa uuna kulanka ku soo dhamaaday 4-1 oo ay ku adkaatay kooxda Juventus.

Qeebtii koowaad ee kulanka kooxda Juventus ayaa ku soo gashay dar dar xoogan waxa ayna la yimaadeen labo gool xili laacibkooda Ronaldo uu ku soo bilowday kursiga keydka .

Xidiga da’yar Kane oo ku soo bilowday kulanka kooxdiisa Juvantus ayaa u dhaliyey labada gool qeebtii koowaad ee ciyaarta , waxa uu sameeyey dhoolo tus ay aad ugu riyaaqeen taageerayaasha kooxda Marwada duqda .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Juventus oo ku ciyaareysay garoonkeeda.

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , kooxda Juventus ayaa mar kale la soo gashay garoonka dar dar xoogan .

Juve ayaa heshay goolkii sedexaad ee ciyaarta waxana u dhaliyey xidiga reer Germany ee Emri Can daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta , daqiiqado yar un kaddib kooxda Juventus ayaa markale heshay gool afaraad waxaana u dhaliyey xidiga reer Farnce ee Matuidi.

Kooxda martida aheyd ee Udinese ayaa heshay gool daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Lasagna waxaana goolkaas ka caawiyey De Paul.

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 oo guushu ku raacday kooxda Juventus , waxaana xusid mudan in Juve aya bartamaha asbuucan ay la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan lugta labaad ee wareega 16-ka ee Champions League .

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close