RASMI: Roma oo ku dhawaaqday inay kansashay heshiiska tababaraha kooxdeeda ee Di Francesco

(Roma) 07 Maarso 2019. Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa shaacisay in la kansalay heshiiska tababaraha kooxdeeda ee Eusebio Di Francesco.

Giallorossi ayaa xalay ka hartay tartanka xiisaha badan ee Champions League, kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda reer Portugal ee Porto, waana sababta ka dambeysa in uu isaga tago shaqada Roma.

Sida laga soo xigtay shabakada rasmiga ah ee Roma, maamulka Giallorossi uu hoggaaminayo James Pallotta ayaa uga mahad celiyay tababare Eusebio Di Francesco wakhtigii uu ku soo bixiyay Giallorossi.

James J. Pallotta ayaa wuxuu yiri:

“Eusebio Di Francesco wuxuu ula shaqeeyay xili kasta kooxda Roma si xirfadeysan, wuxuu ka hormariyay maslaxada kooxda, tan gaarka ah”.

“Waxaan u rajeeneynaa Eusebio Di Francesco mustaqbal aad u fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close