Mourinho oo shaaca ka qaaday xaqiiqda ku aadan in Real Madrid uu heshiis la gaaray si uu dib ugu laabto

(Yurub) 07 Maarso 2019.Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda ah in kooxda Real Madrid ay heshiis kala gaartay inuu noqdo badalka Santiago Solari ee xilli ciyaareedka soo aadan.

Wrgeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay wareysi uu bixiyay mcalinka reer Portugal ee Jose Mourinho, kaasoo uu kaga hadlay wararka lala xiriirinayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Real Madrid.

“Ma jiro wax wada hadal ah, mana jirto xiriir ka yimid Real Madrid”.

“Ma jirin wadaxaajoodyo aan la galay Real Madrid si aan dib ugu laabto, lakiin wararka xanta ah ee kubada cagta waa wax iska caadi ah, marka ay kooxda guuleysato runtii waxaan dareemayay farxad”.

“Uma maleynayo inay jiri doonto koox dib u sameyn karta, wixii ay kooxdu sameysay dhowrkii sanno ee la soo dhaafay”.

“Guuldaradii Ajax waxay ahayd wax la yaab leh, laakiin waxaan arkayaa ixtiraam badan oo ku saabsan waxay kooxdu horey u qabatay, ee ku aadan tartanka Champions League, kuma guuleysan kartid afarta, shan ama lix jeer ee tartankan ah”

“Waa inaad weydiisaa kooxo kale hadii ay doonayaan inay ku guuleystaan Champions League seddex jeer oo isku xiga, kadibna ay ku haraan wareega 16-ka, dabcan jawaab celina ay bixinayaan ayaa hubanti ah inay noqon doonto inay raali ka yihiin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close