Taageerayaasha Real Madrid oo bilaabay kacdoon ka dhan ah Florentino Perez, kadib fadeexadii Ajax

(Real Madrid) 6 Maarso 2019. Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ku baaqay in shaqada uu iska casilo madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez, ka dib markii ay ka hareen xalay tartanka Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa gabi ahaanba macsalaameysay tartanka Champions League, kadib markii ay kooxda Ajax kala kulantay guuldaro 4-1, kulankii lugta 2-aad wareega 16-ka ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Santiago Bernabéu.

Image result for Florentino Perez and Fans Real Madrid

Hadaba sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia, qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Real Madrid ay kusii sugnaayeen garoonka Santiago Bernabéu, kadib markii ay ciyaarta soo idlaatay.

Jamaahiirta ku hartay garoonka Santiago Bernabéu, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qeylinayeen in madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu shaxda iska casilo.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid sidoo kale ay kasoo hartay tartanka Copa del Rey, xili sidoo kale uu u dhaxeeyo farqi weyn ee dhanka dhibcaha ah horyaalka La Liga hogaamiyaasha Barcelona, kadib guuldaradii El Clásico.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close