Maxaad kala socotaa waxa ay ka dhigan tahay Guul daradii Foosha xumeyd ee xalay la huwiyay Real Madrid!!??

(Madrid) 06 Maarso 2019. Ajax ayaa xalay ihaaneysatay Real Madrid oo guul darro iyo waliba kubbad isagu dartay kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1 xilli ay ku ciyaarayeen Bernabeu isla markaana ay ka reebeen tartanka Champions League.

Haddaba waxaa kulanka laga diiwaan galiyay Rikoodho fool xun oo mid ka mid ah uusan horey u soo marin kooxda.

Real Madrid ayaa markii ugu horreysay guul darreysatay afar kulan oo xiriir ah ay ku ciyaareyso garoonkeeda tan iyo 2004

Waa markii ugu horreysay ay u soo gudbi wayso wareega sideed dhammaadka Champins League tan iyo kal ciyaareedkii 2009/10.

Waa guul daradii ugu wayned ebid taariikhda oo Real Madrid gurigeeda ku soo gaarta kulan bug bax ah oo tartamada Yurub.

Kulamada laga adkaaday ilaa iminka kal ciyaareedkan waxay la mid yihiin isku darka inta kulan ee laga adkaaday labadii kal ciyaareed ee la soo dhaafay

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close