Ka qayb galka Lionel Messi ee kulanka saaxiibtinimo ee Argentina iyo Morocco oo lagu xiray shuruud yaab leh!

(Tangier) 06 Maarso 2019.  Xiriirka kubadda cagta waddanka Argentina ayaa shuruud yaab leh ku xiray ka qayb galka Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ee ciyaar saaxiibtinimo oo 26 bishan Maarso magaallada Tangier ee Morocco ku dhex mari doonta labada xul.

Warsidaha ‘Fox Sports’ ayaa qoray in xiriirka Argentina uu ka dalbaday dhiggiisa Morocco haddii ay rabaan in Messi uu kulankaasi dheelo in ay ka ilaaliyaan inay ciyaar xun oo halis ah la dheelaan xidigga Barcelona, si uusan dhaawac u gaarin, waxay kaloo dalbadeen inaan sawirro Selfie ah laacibiintu ka codsan karin inay la galaan Messi halka sidoo kalena aysan cidina codsan karin in Leo uu funaanaddiisa u beddelo.

Sidoo kale Argentina ayaa dalbanaysa in guud ahaan inta uu Messi joogo Morocco laga ilaaliyo jamaahiirta morookaanka ah, halka midda ugu daranna ay tahay in aan la ogolayn in aan wax wareysi saxafi ah lala yeelan karin Messi.

Haddii intaas oo shuruudood ay ka soo baxayaan Morocco ayaa waxaa Messi uu ciyaari doonaa 60 daqiiqo oo kulankaasi saaxiibtinimo ka mid ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close