Jaap Stam oo loo magacaabay xilka tababarenimo ee kooxda Fayenoord

(Rotterdam) 06 Maarso 2019.  Xidiggii hore ee xulka qaranka Holland Jaap Stam ayaa si rasmi ah loogu magacaabay xilka tababarenimo ee naadiga Fayenoord Rotterdam ee waddanka Holland, waxaana uu qallinka ku duugay heshiis laba sanadood ah.

Daaficii hore ee Stam oo 46 jir ah ayaa u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Manchester United (1998-2001), waxaana haatan uu tababare u ahaa kooxda Zwolle ee Holland, isagoo xilkana kala wareegi doona tababaraha Fayenoord Giovanni van Bronkhorost kaas oo ay kooxdu sheegtay in aysan qandaraaska u cusbooneysiin doonin dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Stam wuxuu xusay in markii fursaddan loo soo bandhigay uu la tashaday Agaasime Martin van Geel, kaddibna uu si deg deg ah u aqbalay shaqadan loo soo bandhigay.

Fayenoord waxa ay ku jirtaa kaalinta 3-aad ee kala sarreynta kooxaha Holland iyadoo leh 46 dhibcood, halka Eindhoven oo hoggaanka haysana leedahay 61 dhibcood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close