Imisa bilood ayuu garoommada ka maqnaan doonaa Vinicious Junior ?

(Madrid) 06 Maarso 2019.  Laacibka da’da yar ee kooxda RealMadrid ee waddanka Spain Vinicious oo xalay ku dhaawacmay ciyaartii Real Madrid v Ajax ee lugtii labaad ee 16 dhammaadka Champions League ayaa waxaa baaritaan lagu sameeyay xaaladdiisa caafimaad.

Ciyaaryahanka weerarka ka dheela ee Vinicious Junior oo 18 jir ah ayaa dhaawac canqawga lugta midig ka soo gaaray xalay, waxaana laga saaray garoonka daqiiqaddii 35’ iyadoo lagu beddelay Marco Asensio.

Baaritaanka caafimaad ayaa lagu ogaaday in Vinicious uu dhaawac jab ah ka qabo lugta isla markaana uu garoommada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close