HORDHACA: Kulanka adag ee kooxaha Heegan Vs Muqdisho City

(Soomaaliya) 6 Maarso 2019. Kooxaha Heegan iyo Muqdisho City Club ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir Stadium, kulan ciyaareed qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid u weyn maadama ay labada kooxod yihiin kuwa awoodo badan,waana kulankii 20-aad ee fasal ciyaareedkan laga dheelayo horyaalka.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Kooxda Muqdisho City Club kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Goolhaye Saciid Yamani iyo weeraryahankeeda Cabdiqaadir Eenow Banteki, waxeyna ciyaartan ku seegayan dhaawacyo kala duwan.

Naadiga ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulan ciyaareedkan galabta waxey weyn doonta xidigaha kala ah Cumar Qaxtaani iyo Shiikey oo dhaawacyo ugu maqan.

Sido kale Heegan waxey galabta dib u heli doonta xidigeeda Mahad Baseey kaaso oo kulamadii ugu dambeyay dhaawac kooxda ugu maqnaa, balse galabta uu diyaar u yahay.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Afartii kulan ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay naadiga Heegan halka saddexda kulan kale ay ku kala baxeyn bar baro labada dhinac.

Heegan galabta waxaa ka hor imaan doona xidigeedii hore Cabdiraxmaan Maaman kaas oo iminka ka tirsan kooxda Muqdisho City Club.

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City kulankii ugu dambeyay waxey guul daro 2-1 kala soo kulantay naadiga Horseed.

Muqdisho City Club waxey baadi goob ugu jirta in ay gaarto guushii ugu horeysay horyaalka xili ay ciyaartay 3-kulan oo horyaalka.

Naadiga Heegan kulankii ugu dambeyay waxey guul 3-0 ka soo gaartay kooxda Jazeera Sports Club.

Labadan kooxod ayaa galabta ciyaari doona kulamadoodii afarad ee horyaalka, iyado kooxda Heegan ay soo adkaatay mid kamid ah saddexdii kulan ay horyaalka ka dheesha halka kulana laga adkaaday kooxdan, Naadiga Muqdisho City wali waxey sugeysa guushii ugu horeysay horyaalka, saddexdii kulan ay dheeshay labo kamid ah waa la garaacay halka midka kalana ay bar baro gashay kooxdan.

Eeg is araga labada kooxod:

01/02/2018    Heegan S.C  1 : 1     Mogadishu City Club

03/04/2018    Mogadishu City Club          1 : 1     Heegan S.C

13/02/2017    Heegan S.C  0 : 0     Mogadishu City Club

27/03/2017    Mogadishu City Club          0 : 1     Heegan S.C

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Muqdisho City Club Vs Heegan

Saacada: 3:30

Garoonka: Banadir Stadium

W/D: C/fitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close