Xili ay ka maqan yihiin ciyaartoy muhiim ah…(Eeg shaxda laga yaabo in tababare Solskjær uu kusoo galo kulanka Habeen dambe ee PSG)

(Manchester) 05 Maarso 2019. Wargeyska “Daily Express” aya shaaca ka qaaday shaxda la filayo inuu ku ciyaaro tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær kulanka habeen dambe Paris Saint-Germain ee lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League.

Kooxda Manchester United ayaa waayi doonto kulanka Paris Saint-Germain ee habeen dambe adeegyada dhamaan xidigaha kala ah Mata, Matic, Martial, Herrera,  Lingard,  Sanchez,  Valencia, Darmian, Paul Pogba.

Manchester United ayaa guuldarro 2-0 ah ka soo gaartay kooxda PSG, kulankii lugta hore ee wareegan, iyadoo laga war qabo in ay kulanka lugta labaad ka maqan yihiin ciyaartoyda kor ku xusan.

Kooxaha PSG iyo Manchester United ayaa habeen dambe ku balansan inay fooda isku daraan garoonka Parc des Princes, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad.

Hadaba shaxda la filayo in uu ku soo galo kulankan tababare Solskjær ayaa ah:

Goolhaaye: David de Gea.

Difaacyada: Luke Shaw, Lindelöf, Smalling, Young.

Khadka dhexe: Fred, McTominay, Jones

Weerarka: Rashford, Lukaku, Pereira.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close