WAR CUSUB: Joachim Low oo saddex laacib oo waaweyn u sheegay inaysan mar dambe u ciyaari doonin xulka (Waa kuwee?)

(Berlin) 05 Maarso 2019.  Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa sheegay in uu qaaday tallaabo uu weji cusub ugu yeelayo xulka qaranka isagoo xusay in maanta wixii ka dambeeya Thomas Muller, Jerome Boateng iyo Mats Hummels aysan mar dambe u dheeli doonin qaranka.

Saddexdan laacib ayaa qayb weyn ka qaatay hanashadii xulka Jarmalka ee Koobkii Adduunka 2014.

Low oo u warramayay ‘Bild’ ayaa waxa uu yiri “waxaan u mahad celinayaa Mats, Jerome iyo Thomas guulihii faraha badnaa ee sanadihii la soo dhaafay ay xulka gaarsiiyeen, waa muhiim in aan shaqsi ahaan u caddeeyo tababareyaasha iyo ciyaartoyda Bayern Munich fikirkeyga iyo qorshahayga”.

Jarmalku waxa koobkii Adduunka 2018 ee Ruushka ay ku soo hareen wareegga hore, taasoo ahayd heerkii ugu xumaa ee ay la soo dersaan tan iyo 1938.

Wax sharraxaad kale oo dheeraad ah ma uusan bixin macallinka xulka Jarmalka oo aan ka ahayn in uu aas aasayo xul weji cusub leh oo da’yar u badan.

Image result for muller boateng hummels

saddexda xulka laga saaray

Image result for muller boateng hummels

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close