Ramos oo la hadlay Taageerayaasha Real Madrid kahor kulanka caawa ee Ajax

(Real Madrid) 5 March 2019. Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fariin uu boggiisa Twitter-ka ku soo qoray wuxuu kaga codsaday jamaahiirta garoonka Santiago Bernabéu in ay si weyn u garab istaagaan kulanka caawa ee Ajax.

Kooxda Real Madrid ayaa ka niyad jabtay loolanka horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan, kadib guuldaradii kasoo gaartay Barcelona sabtidii lasoo dhaafay, xili sidoo kale ay ka hareen tartanka Copa del Rey.

Tartaka Champions League ayaa ah rajada kaliya ay qabi karto kooxda Real Madrid si ay u bad baadiso xili ciyaareedkeeda niyadjabka ah.

Yeelkadeed, Real Madrid ayaa u baahan in ciyaarta caawa ee lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League ay si xoogan u cadaadiyaan kooxda Ajax si ay ugu gudbaan wareega xiga.

Hadaba kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay:

“Waxaan u baahanahay taageeridiina in ka badan sidii hore”.

Waxaa xusid mudan in Sergio Ramos uu seegi doono kulanka caawa ee Ajax, kadib markii uu ganaax 2 kulan ah kala kulmay xiriirka kubada cagta ee qaarada Yurub ee UEFA, sababa la xiriira kaarkii jaalaha uu sida ku talagalka ah u qaatay kulankii lugta hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close