Guardiola; Tababaraha ay ku riyooneyso Juventus

(Turin) 05 Maarso 2019.  Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee waddanka Ingiriiska ayaa la soo sheegayaa inuu yahay macallinka ay ku riyoonayso kooxda Juventus in uu maalin tababare u noqdo.

Sida ay ku warramayso ‘Sports Mediaset’, Pep Guardiola waa magaca ugu dambeeya ee sida weyn loola xiriirinayo in uu beddeli doono tababaraha kooxda Juvenus Massimiliano Allegri, kaas oo loo badinayo in uusan kooxda Bianconeri hoggaamin doonin xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in aysan sahlanayn sidii Juventus ku heli lahayd Guardiola oo Man City-na ay ku sii deyn lahayd, hase yeeshee waxaa tababaraha Spanish-ka ayaa ah mid ay ku riyooneso Juventus.

Warar kale oo la isla dhex marayay ayaa sheegayay in Guardiola walaalkiis Pere oo ah wakiilkiisa uu joogay magaallada Turin, halkaas oo la sheegayo in wada hadalladu u dhexeeyay isaga iyo Juventus ay mar hore billowdeen.

Guardiola oo 48 jir ah waxa uu ku soo guuleystay koobab badan oo ay ka mid yihiin Horyaalka Spain, Horyaalka Jarmalka, Horyaalka Ingiriiska, 2 Champions League iyo Koobab kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close