Ferdinand oo Manchester United ugu baaqay in laba ciyaartooy midkood ay soo iibsato

(Manchester) 05 Maarso 2019.   Daaficii hore ee kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Rio Ferdinand ayaa ugu baaqay maamulka naadiga MU in ay soo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay soo iibsadaan midkood Jadon Sancho ama Gareth Bale.

Xidig yarihii hore ee Manchester City Jadon Sancho oo 18 jir ah ayaa waxa uu haatan leeyahay 9 gool oo uu u dhaliyay Borussia Dortmund, halka 14 kalena uu saaxiibadiisa ku caawiyay.

Sancho oo Ingiriiska u dhashay ayay dhici kartaa in kooxaha Ingiriiska ay ka faa’iideystaan oo lacag lagu qiyaasayo 100 milyan oo Euro ku soo iibsadaan, sida uu qoray Daily Telegraph.

Dhanka kale Gareth Bale oo 29 jir ah ayaa isaguna maraya xilligii ugu dambeeyay waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid, kaddib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya isaga iyo taageerayaasha Naadiga oo kulankii ugu dambeeyey ee El Classico ku ooriyay isagoo garoonka ka sii baxayay.

“Sancho ama Bale? aniga haddaan ahaan lahaa labadaasba waan qaadan lahaa, Manchester United-na way awooddaa labadaba inay soo iibsato” ayuu Ferdinand u sheegay talkSPORT.

“Labaduba waa niman ka duwan ciyaartoyda kale, cid lala bar bar dhigaana ma jirto, mid waxa uu ku jiraa xilligii ugu horreeyay waayihiisa ciyaareed kan kalena bartanka ayuu kaga jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa cayaaraha” ayuu sii raaciyay daaficii hore ee Manchester United Ferdinand.
Daawo xirfadda laacibka da’da yar ee Jadon Sancho

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close