Buffon oo shaaca ka qaaday sababaha uu u diiday dalabyo uu ka helay kooxaha reer Manchester

(PSG) 5 March 2019. Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain ee reer Talyaani Gianluigi Buffon ayaa ka warbixiyay sababta uu isaga diiday dalabyo kala duwan ee kaga yimid kooxaha Manchester United iyo Manchester City.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu Gianluigi Buffon kaga hadlay arintan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Markii aan yaraa ee aan ku sugnaa kooxda Parma, Ferguson wuxuu i daawaday mudo saddex ama afar sano ah, wuxuu markasta soo dirsan jiray indha-indheeyayaal”.

“Xiligaas Parma waxay ii ahayd aduunkeyga oo dhan, mna dooneynin inaan ka tago”.

“Kadib waxaan helay dalab aad u weyn ee ka yimid kooxda Manchester City, kadib markii ay bilaabeen inay dhisaan kooxda, si ay ugu mid noqdaan kuwa ugu fiican Yurub”.

“Manchester City waxay dooneysay inaan noqdo saxiixooda ugu horeeyay ay sameeyaan, balse waxaa doorbay inaan joogo kooxda Juventus”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close