Wakiilka Bale oo si kulul u weeraray jamaahiirta Real Madrid, kadib kulankii El Clasico

(Madrid) 04 Maarso 2019.  Wakiilka Gareth Bale ee Jonathan Barnett yaa weerar ku qaaday taageerayaasha kooxda Real Madrid, sababa la xiriira laacibka reer Weles.

Jamaahiir fara badan ayaa si xoogan ugu qeyliyay Gareth Bale kulankii El Clasico ay wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona Sabtidii lasoo dhaafay, kaasoo ay Los Blancos la kulantay guuldaro 1-0 ah.

Hadaba Jonathan Barnett ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports wuxuu ku sheegay:

“Jiilkan ah jamaahiirta kooxda Real Madrid, waxay ka hadli doonaan goolasha Bale sanadaha soo socda, runtii waxaa haboon in taageerayaasha ay xishoodaan”.

“Bale wuxuu u qalmaa in la ixtiraamo, qaabka ay ula dhaqmeen ceyb ayay ku tahay iyaga, lixdii sano ee uu joogay Spain, wax walba ayuu ku guuleysta”.

Wakiilka Gareth Bale ee Jonathan Barnett yaa hadalkiisa ku soo xiray: “Taageerayaashaasi waa inay dhunkadaan cagihiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close