Solari oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xiddigaha Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Ajax… (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Madrid) 04 Maarso 2019.  Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha Los Blancos ee kaga qeyb galaya kulank lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay habeen dambe ee Talaadada kula ciyaari doonaan Ajax Amsterdam garoonka Santiago Bernabeu.

Waxaa liiskan ka maqan kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, kadib markii uu ganaax 2 kulan ah kala kulmay xiriirka kubada cagta ee qaarada Yurub ee UEFA, sababa la xiriira kaarkii jaalaha uu sida ku talagalka ah u qaatay kulankii lugta hore.

Hadaba liiska xidigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Santiago Solari si ay kaga qeyb galaan kulanka Ajax ayaa kala ah:

Goolhaayeyaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois, Luca Zidane.

Difaacyada: Carvajal, Vallejo, Nacho, Varane, Marcelo, Reguilón.

Khadka Dhexe: Kroos, Modrić, Casemiro, Ceballos, Valverde, Asensio, Isco.

Weerarka: Benzema, Bale, Vasquez, Vinícius Jr, Mariano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close