HORDHACA: Kulanka adag ee Horseed Iyo Jeenyo

(Soomaaliya) 4 March 2019. Maxaad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka U dhaxeeya Kooxaha Horseed Iyo Jeenyo.

Kooxaha Jeenyo iyo Horseed ayaa galabta  ku balansan garoonka Banadir Stadium ee degmada Cabdicasiis, ciyaar ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan, xili labada kooxod ay diyaar garow  xoogan u galeyn kulankan, waana kulankii 18-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan.

KULAMADA FOOL KA FOOL:

Saddexdii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka Somali Premier League waxaa hal kamid ah adkaatay kooxda Horseed sido kale Jeenyo ayaa badisay kulan, halka kulanka kale ay ku kala baxeyn bar baro labada kooxod.

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod wada ciyaaran wuxuu ku soo dhamaaday bar baro 0-0, ciyaar dhacday 17-04-18.

XAQIIQOOYINKA KOOXDA JEENYO:

Kooxda kubadda cagta Jeenyo kulankii ugu dambeyay waxey qasaaro 1-0 kala soo kulantay naadiga Midnimo, ciyaar dhacday 22-02-19.

Jeenyo  ayaa galabta dheeleysa kulankii 4-aad ee horyaalka, iyado kaliya ay adkaatay hal kulan oo qura, halka labada kulan kale laga adkaaday kooxdan, waxeyna leedhahay afar dhibcood oo qura.

Xidigaha kala ah Mayman iyo xasaasi waxey galabta mar kale ka hor imaan doonan kooxdoodii hore ee Jeenyo United.

XAQIIQOOYINKA KOOXDA HORSEED FC:

Wiilasha Horseed ciyaartii ugu dambeysay waxey guul lixaad leh ka soo gaartay naadiga Muqdisho City Club, kulan ciyaareed ku soo dhamaaday 2-1ay guusha ku raacday Horseed.

Horseed waxey dheeleysa kulankii afaarad ee horyaalka iyado hore u soo ciyaartay saddex kulan mid wey adkaatay labo kulana bar baro aye gashay, taas oo ka dhigan in ay leedhahay 5-dhibcood kooxdan.

Kooxda Horseed wali waa kaarka Roosaha ugu maqnaanaya ciyaaryahan Farxan Duqow, kaaso kulankan kulanka xiga dheeli kara.

OGEYSIIS CIYAARTA;

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Horseed Fc Vs Jeenyo FC.

Garoonka: Banadir Stadium

Saacda: 3:30

W/D: C/fitaax Naani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close