“Ciyaaryahan kasta wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Real Madrid” – Neymar Jr

(Yurub) 4 March 2019. Xidiga kooxda  Paris Saint – Germain ee reer Brazil Neymar Jr ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay nolasha uu kaga noolyahay magaalada Paris.

Laakiin xidiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada uu ugu biiri karo safka kooxda Real Madrid mustaqbalka.

Kooxda Real Madrid ayaa wali laga war qabaa inay raacdo ugu jirto sida ay ku heli lahayd badalka Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga ee lasoo dhaafay.

Los Blancos ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Barcelona labadii kulan xiiirka ahaa El Clásico ay ku wada ciyaareen garoonka Santiago Bernabeu, taasoo ka careysiisay jamaahiirta kooxda cad cadka.

Hadaba xidigii hore kooxda Barcelona ee Neymar Jr ayaa wareysi uu bixiyay waxaa wax looga weydiiyay suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Real Madrid waa mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee aduunka, ciyaaryahan kastana wuxuu doonayaa inuu halkaas ka ciyaaro”.

“Waan ku faraxsanahay Paris, waan ku fiicanahay, laakiin ma jirto cid ka war qabta waxa dhici doono mustaqbalka, balse ma dhahayo waxaan doonayaa ka ciyaarista Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close