Allegri; “Hurdaa ila tagtay mooyee Pjanic Kaar cas ma qaateen”

(Turin) 04 Feb 2019.  Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus ee Talyaaniga, Massimiliano Allegri oo ka hadlayay guushii shalay kooxdiisu ka gaartay kooxda ay aadka u loollamaan ee Napoli 2-1 iyo kaarkii casaa ee loo taagay Miralem Pjanic oo khadka dhexe uga dheela Juventus daqiiqaddii 47-aad.

“Xoogaa yar ayaa hurdo ila tagtay mooyee waan beddeli lahaa markii uu kaarkii ugu horreeyay ee jaallaha ah qaatay” ayuu yiri tababare Allegri.

Dhanka kale Pjanic ayaa dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee ay Jvuentus ku guuleysatay daqiiqaddii 28’ halka goolka labaadna uu daqiiqaddii 39’ u dhaliyay Emre Can.

Allegri wuxuu kaloo sheegay in ay haatan 16 dhibcood ku hayaan Horyaalka Talyaaniga, ayna sugayaan inta ay horyaalka ku guuleysanayaan.

Juventus waxaa haatan u xigi doona laba kulan oo ay la kala yeelan doonaan Udinese 08/03/2019 iyo Atletico Madrid 12/03/2019.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close