Alexis Sanchez oo halis ugu jira in uu garoommada ka maqnaado inta ka harsan xilli ciyaareedkan!

(Manchester), 04 Maarso 2019.   Weeraryahanka kooxda Manchester United Alexis Sanchez ayaa laga cabsi qabaa in 6 illaa 8 toddobaad uu ka maqnaan doono garoommada, kaddib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray kulankii Sabtidii dhex maray Manchester iyo Southampton.

Sanchez ayaa laga saaray ciyaartaasi oo 3-2 ay ku badisay Manchester United, taasoo ka dhacday Old Trafford.

Pedro Onate, oo ah tababaraha caafimaadka xulka Chile ayaa sheegay in dhaawaca nuucani ahuu u baahan yahay illaa laba bilood oo nasasho ah.

Sanchez ayaa weli la halgamaya in uu la qabsado Old Trafford tan iyo markii uu ku soo biiray bishii Janaayo 2018 waqtigaas oo uu ka soo tegay Arsenal.

2 gool oo qura ayuu xidiggan 30 jirka ah u dhaliyay Manchester United 23 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close