Tababare Solskjær oo ka hadlay guushii dirqiga ahayd ay ka gaareen kooxda Southampton

(England) 03 Maarso 2019. Macalinka Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa amaanay kooxdiisa, kadib guushii dirqiga ahayd ay kaga gaareen kooxda Southampton kulankoodii 29-aad ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa guul 3-2 ah kaga gaartay kooxda Southampton, tababare Solskjær ayaa ciyaarta kadib wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arimo quseeya kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Waa inaan ku raaxeystaa daqiiqad kasta, inta aan halkan joogo, balse waxaan doonayaa in wiilasha ay helaan waxa ay u qalmeen, isla markaana ay guuleystaan  inta ugu badan ee suurtagal ah”.

“Goolasha kooxda Southampton waxay ahaayeen kuwo cajiib ah, ma jirin wax aan ka qaban karnay iyaga”.

“Balse in kulankan aan ka dhalino 3 gool, waa wax aad u wanaagsan, sababtoo ah wixi xiligan ka dambeeya waxaan eeganeynaa kulanka soo adan ee Arbada aan kula ciyaari doono Paris Saint-Germain”.

Intaas kadib tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay dhaawaca Alexis Sánchez wuxuun yiri:

“Waxaan u maleynayaa inuu dhaawac soo gaaray, balse waxaan qiimeyn doonaa xaaladiisa xiliyada soo aadan kadib marka aan ku sameyno baaritaanada caafimaad ee lagama maarmaanka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close